Congressman Adam Smith

Representing the 9th District of Washington

ADEEGYADA

Arrimaha Hayadaha Federaalka

Haddii aad wax dhibaato ah kala kulanto hay’ad ama waax dowladda federaalka, waxaanu kaa caawini karnaa inaanu soo eegno oo su'aalo kaa weydiino xaaladda kiiskaada.

Waraaqaha Caawinaadda Laanta Socdaalka

Xafiiskagu waxa uu hubin kartaa xaaladda arjiga iyo ku qori karaa warqad kongareeska oo taagyeeraysa qofka qaraabadaada ama saaxiibka ee codsaday fiisaha booqashada.

Saacadaha Xafiiska Guura

Si aanu kugu adeegno si wanaagsan oo la heli karo, shaqaalaha waxay Saacadaha caadiga ah ee Xafiiska Guura ku qabtaann degmada oo dhan iyo xaafadaha kuu dhowba.

Caawimadda Deeqaha Federaalka

Xafiiskagu waxa uu ku siin kara waraaqaha taageerada oo kula xiriirin karaan hay'adaha federaalka ee siiya deeqaha ururkaaga.

Booqashada Washington DC

Markii aad soo booqanayso Washington DC, horay ugala soo xariir xafiiskayga wixii booqsho Aqalka Cad, Golayaasha U.S. Capitol, Maktabadda Kongreska iyo ka badanba.

Ku saabsan Adam Daabac Qeybtaan

 

ANIGA IGU SAABSAN

Xildhibaan Adam Smith

Kongareeska Degmada 9aad, Washington

Xildhibaan Adam Smith Haddaba waxaa u socota muddadii 10-aad, Xildhibaan Smith waa xubin sare ee Golaha Wakiilada oo waxa uu qayb ka yahay kooxda hoggaanka dimoqradiga ah. Degmadiisu waxay u dhaxeeysa degmooyin kala duwan oo Koonfurta Seattle ilaa iyo dekedda cammiran ee Tacoma, oo ay ku jirto magaalada Bellevue, oo xarunta u ah hal-abuurka farsamada sare. Intii uu joogay Golaha Kongresska, Xildhibaan Smith ayaa u diriray arimo muhiim ah dadka deegaanka uu matalo ee degmada 9aad.

Hadda xilligiisa 10aad, Adam waxa uu hada xubin Sare ka yahay Guddiga Aqalka ee Adeegyada Ciidamada Qalabka Sida, halkaas oo uu ka yahay u doode xooggan oo arrimaha shaqaalaha ciidankeena iyo qoysaskooda. Waxaa sidoo kale ka go'an inuu siiyo ciidankeena qalabka ugu wanaagsan ee la heli karo si ay u fuliyaan hawlahooda hadda iyo kuwa mustaqbalka isagoo isla markaasna hubsanay inuu Pentagon u isticmaalo lacagta canshuur bixiyayaasha habka ugu hufan ee ugu waxku-oolka badan. Marka la eego hawlahiisa guddiga ee hadda iyo kuwii hore iyo waayo aragnimadiisa balaaran ee safarada, Xildhibaan Smith waxa uu leeyahay aqoon sare oo ah arrimaha maanta hortaagan amniga qaranka ee dhammaan Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan dagaalka Afghanistan, iyo sidoo kale Waqooyiga Afrika iyo dadaalkeena weyn ee aanu ugu jirno joojinta fiditaanka kooxaha xagjirka ah iyo fikradahooda dunida dacaladeeda.

Isagoo fahamsan baahida loo qabo habka guud ee ammaanka qaranka, Xildhibaan Smith waxa uu aqoonsaday muhiimadda ay leedahay in la yareeyo saboolnimada, helitaanka waxbarasho, suuqyada caalamka ee waara, hawlgalada diblomaasiyadeed, maamul-wanaagga iyo tallaabooyinka kale si awood loogu helo degganaanteena beesha caalamka. Waxa uu taageeray dadaallada lagu doonayo in dib loogu habeeyo kaalmada shisheeye ee Amerika, soo bandhigay sharciyo wax looga qabto saboolnimada caalamka, iyo la sameeyay Guddida kongareeska ee Kaalmada Wax-kuoolka ee Dibadda (CCEFA) Xildhibaan Ander Crenshaw.

Language-Somali

KALA XIRIIRKA

Contact us key on a keyboardAnigu waxaan qiimeeyaa dhammaan talooyinka dadka degan Degmada 9 kongareeska ee Washington. Anigu waxaan halkaan u jooga inaan ku adeego, iyo sido kale shaqaalahaygana. Hoos fadlan ka eeg menu-ga ugu fiican ee aad kula soo xariiri karto aniga ama xafiisyadeeyda.

Emayl iigu soo dir

Talaabada Koowaad - Xaqiijinta Zip-ka

* calaamadee macluumaadka la doonayo.

Zip koodkaada

Nasiib xumo, anigu ma aan awoodi karo inaan ka soo jawaabo emaylka ka baxsan dadka degan degmadeeyda. Fadlan ku qor Zip koodhkaada si loo xaqiijiyo ciiwaankaada iyo u gudub talaabada xigta:

 

Haddii aadan garanayn afartaada lambar +4 ee zip koodhkaada, fadlan ka eeg wixii macluumaad dheeraada webside-ka U.S. Postal Service.

Haddii aad wax dhibaato ah ku qabto, fadlan soo wac 202-225-8901 ama u sheeg dhibaatada webside-ka.

Iska diiwaangelinta helitaanka Joornaalka-E

Isdiiwaangeli si aad u hesho xogta ugu danbeeysa ee Adam Smith iyo Degmada 9aad

 

Joogtee Xiriirka