Norm Coleman - United States Senator - Minnesota
Welcome

Welcome Multimedia:

Audio   Video     

Email Newsletter Signup: Go 
Somali


Soo Dhowoow

Magacayga waxaa la yiraahdaa Norm Coleman, Waxaanan ku faraxsanahay in aan Golaha Senate-ka ee dawladda federaalka wakiil uga ahay Gobolka muhiimka ah ee Minnesota.

Ku soo dhowoow xafiiskayga ee shabakadda online-ka. Halkan waxaad ka helaysaa warar muhiim ah oo ku saabsan shaqadayda Washington DC iyo Minnesota. Waxaan filyaa in boggan si fiican uu kuugu adeegi doono.

Muhimaddayda koowaad sanatoor ahaan waa in aan wax u qabto Minnesota.

Waxaan aad uga shaqaynayaa in aan kordhiyo shaqooyinka iyo in aan xaqiijiyo in dhaqaalaheenu kobco. Waxaa kale oo aan wakiil u ahay qoysas badan oo beeralay ah oo reer Minnesota ah. Waxaa iga go'an in aan beeralaydaas danahooda uga halgamo Washington DC. Waxaa marwalba iga go'an in aan xaqiijiyo in qofkasta oo maraykan ah uu heli karo daryeel caafimaad oo heer sare ah.

Maanta dalkeena waxaa uu ku jiraa dagaal socda oo argagixisada lagu qaadayo. Arrintii dhacday 9/11 wax badan ayay na bartay. Haba ugu horeyso in aan foojignaano - diyaar garowno- go'aan adag yeelano. Taasi macnaheedu waa in aan siino geesiyaasha rag iyo haweenba leh ee ka dagaalamyo dibadda qalab iyo gargaar iyo ducada ay u baahan yihiin xaqana u leeyihiin.

Ugu danbatntii, ma nasan karno ilaa inta canug kasta oo America ku nool uu barto aqriska. Taasi waxay u egtahay khayaali- laakiin waa iga go'an tahay in aan xaqiijiyo canug kasta oo ku nool dalkan inuu helo waxbarasho tayo leh.

Marlabaad waad ku mahadsan tahay inaad soo booqato xafiiskayga online-ka ah. Waxaan rajaynayaa in aadan ka shakinin in aad ila soo xiriirto markii aad damacdo in aad ila wadaagto fikrado ama wax aad dareentay. Sida ugu sahlan ee la iila soo xiriiri karaa waa e-mail oo ah opinion@coleman.senate.gov. ama Telefoonkan 202-224-5641. Waxaan filayaa in aan dhowaan war kaa helo.

Norm Coleman

View this message in: English | Español | Somali



Home Text Only Espanol Somali Privacy Statement